SO | EN

SO | EN

Kaarka NIRA oo lacag badan dadweynaha looga qaadanaayo

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxaha diiwaangalinta ee bixinaya kaarka cusub ee aqoonsiga ee ay soo rogtay xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda la sheegaya inay dadweynaha ka dalbanayaan lacag diiwaangalin taas oo aysan shacabku bixin karin.

Dhowaan waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in dhammaan dadka dhoofaya, shaqo raadiska, iyo sidoo kale kuwa doonaya inay qaataan baasaboorka looga baahan yahay kaarka aqoonsiga ee hay’adda diiwaangalinta ee NIRA.

Hase ahaatee markii ay dad badan doonteen kaarka, waxaa soo baxday in shacabka lagu xujeeyay bixinta lacag fara badan oo aysan awoodin.

Kaab TV ayaa la kulmay qaar ka mid ah ardayda magaalada Muqdisho kuwaas oo sheegay in ay awoodi waayeen lacag gaareysa illaa $20 doolar, taas oo laga doonaayo si ay u helaan kaarka aqoonsiga.

Gabar ka mid ah dhallinyarada ardayda ah oo la hadashay Kaab TV ayaa sheegtay inay saf u gashay degmada Hawlwadaag, halkaas oo ay kaarka u doonatay, hase yeeshee loo diiday xitaa iyada oo rabtay inay bixiso $20 doolar.

Kooxaha diiwaangalinta ayaa lagu eedeynayaa inay shacabka ka dalbanayaan lacag aysan awoodin.

“Shaqadayda ayaa ku xiran, kaarkii waan waayay,” ayey tiri Raxmo oo sheegtay inay tahay ardayad.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News