Muqdisho (Kaab TV) – Guddoomiyaha Kooxda Al-Shabaab Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade oo Al-Shabaab uqaabilsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa weerar afka ah kuqaaday madaxweyne Xasan Sheekh wuxuuna ku dhaleeceeyay in uu shirqoolay ciidanka Eritrea lagu soo tababaray.
Kaba kutukade ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan uu usameeyay aargoosi uu ka aargoosanaayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isaga ciidanka udiray dalka Eritrea si ay tababar ugu soo qaataan.
Ciidamadan lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa waxaa ladajiyay xerada Masagawaay oo dhacda Bariga Galgaduud halkaas oo ay dhawaan weerar kuqadeen Kooxda Al-Shabaab weerarkaas oo ay kooxda ka sheegatay guul ween.
“Ciidanka inay halaagsamaan qorshihiisa qeyb kamid ah waaye, gacmihiisa kuma dili karee ee gacmo Al-Shabaab inuu ku dilo ayuu rabaa. Annagana wixii ay mudnaayeen ayaan marsiinay,” ayuu yiri Kaba Kutukade oo ah Guddoomiyaha Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Wuxuu sidoo kale sheegay “Wixii hub iyo qalab ay haysteen waa laga furtay, cagta la mariyay. Wixii meeshaas ka dhacay warbaahinta (kooxda) ayay yaalaan.”ayuu yiri Kaba Kutukade oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dhankeeda sheegtay weerarka ay kooxda Al-Shabaab soo qaadeen wuxuu ahaa mid ay sii ogaayeen ciidanka xoogga dalka kaidbna waa laga hortagay.
Hasayeeshee, Hadalkan kasoo yeeray Kaba-Kutukade ayaa qeyb ka ah weeraro afka ah oo ay kooxdu muddooyinkii dambe ku haysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu markii uu tallada dalka kusoo laabtay ku dhawaaqay dagaal ka dhanka Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.