SO | EN

SO | EN

Kala shaki iyo khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Xamse Cabdi Barre & kuxigeenkiisa Saalax Jaamac

|

Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay khilaaf hoose oo u dhaxeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac , kaas oo salka ku hayay awoodda xafiiska iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay in khilaafka kaddib uu bilaabay fullinta ballanqaad ay horey isaga iyo Madaxweynaha ugu sameeyeen xildhibaanno, kaa oo ahaa in la sameenayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad , si loogu qanciyo xildhibaannadii ballanqaadka loo sameeyay.

Dhankale, Kuxigeenka  Ra’isul Wasaare kuxigeenka oo isna ka carooday qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad ayaa soo kiciyay xildhibaannada iyo wasiiradda beesha Direed ku matala dowladda Federaalka, kuwaa oo diidan qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad.

Xamse Cabdi Barre iyo Saalax Axmed Jaamac ayaana muddooyinkii ugu dambeeyay ku kala jiray xaalad kala shaki ah, waxa ayna hadda u muuqataa labadan masuul wada shaqeyntooda in ay sii xumaaneyso haddii aan xal loo helin khilaafkooda.

Xildhibaannada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland uu wehliyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa la sheegay in ay la ballansan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna kala hadli doonaan khilaafka taagan iyo cabashada ay ka qabaan qorshaha lagu abuurayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, si uu ugu kuurgalo shaqada ay Wasaaraddu u hayso dadweynaha Soomaaliyeed.

Saalax Axmed Jaamac ayaana xarunta Wasaaradda Qorsheynta kula kulmay wasiirka Wasaaradda, agaasimayaasha iyo madax qeybeedyo, waxa uuna ka dhageestay warbixonno khuseeya shaqooyinka wasaaradda ka socda, isagoona ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda sida ay u shaqeenayaan.

Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay bixinta ruqsadaha adeegga korontada oo ay soo agaasintay Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqan uu maanta sameeyay Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa u muuqda mid uu isku muujinayo, xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sikastaba, Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo muddooyinkan ku fashilantay shaqooyinkii loo igmaday ayaa haddana waxaa uga sii daraya khilaafka u dhaxeeya labada masuul ee ugu sarreeya xafiiska, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka hadda soo bannaan baxay uu kasii daro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News