Baydhabo (Kaab TV) – Kaniisadda Finland iyo hay’ad kale oo Finland ka socota ayaa iskuullo ku yaalla Soomaaliya ka wada tababaro shaki laga muujiyay, iyadoo waalidiinta ardayda Baydhabo ku yaal ay arrinta ka hadleen.
Hay’ad lagu magacaabo FCA (Finnish Church Aid) oo kaniisadda Finland u qaabilsan dhinaca gargaarka iyo hay’ad Vikes la yiraahdo oo ka shaqaysa horumarinta saxaafada ayaa Soomaaliya gaar ahaan maamulka Koonfur-Galbeed ka fuliyay tababar la sheegay in dhallinyarta lagu baraayo nabadda.
Goobta ay labadan hay’adood sida tooska ah tababarka uga fuliyeen ayaa ah iskuul ay carruur iyo dhallinyaro wax ku barato oo magaalada Baydhabo Janaay ku yaal.
Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda iskuulka ayaa sheegay in ay aad uga naxeen markii ay arkeen muuqaalka carruurtooda oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxayna maamulka dugsiga iyo kan degmada Baydhabo ka codsadeen in ay joojiyaan talaabooyinka noocan oo kale ah oo dhaawici kara iskuulaadka magaalada Baydhabo, gaar ahaan iskuulka ay kaniisada iyo hay’adan kale tababarka ka bixiyeen.
Shiikh Madey Ibrow oo la hadlay warbaahinta Kaab TV ayaa sheegay in iskuulka uu joogay “nin la sheegay in uu kaniisada u shaqeeyo oo Puntland ka soo jeeda laguna magacaab Suldaan Cabdisalaam iyo nin kale oo lagu magacaabo Wali Xaashi oo ka socda hay’adda kale ee Vikes oo isaguna ka soojeeda deegaan ahaan Galmudug.”
Tababarka ayaa cinwaan looga dhigay ‘wakiillada nabadda oo u dhiganta ambassadors for peace’.
Ereygan ayaa ah mid ay adeegsadaan kaniisadaha iyo baadariyaasha faafiya Kirishtanka. Tusaale Gospel Coalition, oo ah isbahaysiga faafiya Kirishtanka ayaa qaba in qeyb ahaan Ciise Masiixi uu ahaa wakiil nabadeed, waxayna soo xiganayaan cutubka 5:9 ee kitaabka Matthew oo uu Ciise Masiixi ku leeyahay “Waxaan nahay nabad sameeyayaal.”
Hay’adda FCA oo dhaqaale ka hesha kaniisadda Finland ayaa isku sheegta inay tahay ‘wakiilka Kirishtaannimada”.
Shiikh Madey oo sii hadlayay ayaa sheegay, in Soomaalidu ay istaqaan oo ay qabiil u kala qaybsantahay, sidaas darteedna uu la yaabay sababta ay labaan nin oo ka kala socda kaniisada iyo hayad kale islamarkaasna ka soo jeedo deegaano kale oo aan Koonfur-Galbeed ahayn ay iskuulaadka Baydhabo u soo adeen ayagoo ku doodaya in ay wax fiican samaynayaan. Shiikha oo sii hadlayay ayaa yiri ”Haddii ay wax fiican wadaan maxey deegaankooda u geyn waayeen. Ree Koonfur Galbeed waa dad daacad ah oo aan shaki badnayn, laakiin tan oo kale waa in laga shakiyaa. Wasaarada diinta iyo awqaafta koonfur galbeed waxaan ka codsanaynaa in ay arrintaan baaraan.
Shaqaale ka tirsan iskoolka ay kaniisada iyo hayada Finnish-ka ah tababarka ka bixiyeen oo sabab ammaan dartiis magaciisa u qariyay ayaa sheegay in macalimiinta iyo odayaasha iskuulka qaarkood laga qariyay tababarkan iyo in waalidiin badan ay ka welwelsan yihiin waxa meesha ka dhacay.
Cabashada dadka
Shaqaalahan ayaa sheegay in maamulka magaalada Baydhabo iyo Wasaaradda Diinta ee Koonfur Galbeed loo gudbiyay cabasho arrintaan ku saabsan. ”Waxaan sugaynaa in maamulku wax ka qabto arrintaan shakiga badan shacabka ka dhex abuurtay, gaar ahaan waalidka ardayda iskuulkaan wax ku barata” ayuu hadalkiisi ku daray.
Kaniisada oo xarun ku leh magaalada Muqdisho ayaa maamulka koonfur galbeed ka caawisa dib u dhisidda maamulka degmooyinka iyo hawlo kale dhinaca horumarinta ah.
Kaab TV ayaa la xiriiray hay’adda FCA ee Muqdisho, hase yeeshee kama helin wax jawaab ah oo la xiruurta hawlgalkooda Baydhabo ee shakiga abuuray.