SO | EN

SO | EN

Kenya iyo Finland oo ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) -Dowladaha Kenya iyo Finland ayaa si adag u muujiyay baahida degdegga ah ee lagu sii wado taageerada caalamiga ah ee geedi-socodka nabadda Soomaaliya, xilli ay socdaan dhimista ciidamada nabad ilaalinta iyo xasiloonida u jooga Soomaaliya.

Arrintan waxaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay shir wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Musalia Mudavadi, iyo Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, kaasoo ka dhacay qasriga taariikhiga ah ee Kultaranta, xilli ay socdeen wadahadallada sanadlaha ah ee Kultaranta Talks ee ka socda magaalada Naantali.

Wasiir Mudavadi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in wadahadalkooda uu diiradda saaray xaaladda amni ee isbedbeddelaysa ee Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu yiri: “Waxaan adkeynnay baahida muhiimka ah ee lagu sii xoojinayo taageerada caalamiga ah ee geedi-socodka nabadda Soomaaliya, xilli ay socoto dhimista ciidamada ATMIS iyo xaaladaha sii kacsan ee gobolka.”

Labada masuul ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, dhiirrigelinta xalalka ay hormuudka ka yihiin dalalka Afrika, iyo taageeridda hay’adaha gobolka sida EAC, SADC, iyo IGAD – kuwaasoo saldhig u noqon kara nabad waarta.

Sidoo kale, waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in la kaashado khubarada magaca leh si loo hormariyo wadahadalka iyo xasilloonida.

Madaxweyne Stubb ayaa Kenya u xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada hay’adaha gobolka Afrika ee u heelan sidii loo gaari lahaa nabad iyo amni waara oo dhulka Afrika ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News