SO | EN

SO | EN

Kenya oo baareysa sababaha ka dambeeya in Diyaarado ka diiwaangashan dalkeedi ay shilal ku galeen Soomaaliya iyo Sudan

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wargeyska Capital FM ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Dowladda Kenya ay si rasmi ah u dhistay koox baaritaanno ah oo dib u eegis ku sameeya shilalka diyaaradaha Kenya ee ka dhacay Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay.

Talaabadan ayaa timid kadib markii duuliye u dhashay dalka Kenya lagu dilay diyaarad uu la socday oo lagu soo riday gobolka Darfur ee dalka Sudan, waxaana Kooxdaan baaritaan ay guda galeen inay soo ogaadaan sababaha shilalka noocaani oo kale ay ku dhacaan ama soo celceliyay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed la soo saaray Jimcihii, kooxdan oo ka kooban toddoba xubnood oo ay hoggaaminayaan duuliye-yaqaannada Captain Peter Maranga iyo Frederick Kabong oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka, ayaa loo xilsaaray inay dib u eegis ku sameeyaan warbixinnada bilowga ah ee shilalka diyaaradaha Kenya ee ka diwaangashan ama ka hawlgala Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya.

Shaqada kooxdaan waxaa ka mid ah waraysiyo ay la yeeshaan masuuliyiinta ay khusayso, baarista iyo falanqaynta xogta laga helo, iyo xaqiijinta sax ahaanshaha xogta ku jirta warbixinnadan.

Wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay shaqeyn doonto muddo saddex bilood ah ayna u gudbin doonaan warbixin dhameystiran oo ay ku jiraan natiijada baaritaanka iyo talooyinka wax looga qabanayo wixii walaac ah ee la xiriira badqabka duulista, Xoghayaha Golaha Wasiirada si tallaabo ku habboon looga qaado waaxda duulista ee Kenya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News