Kenya oo Maxkamad u gudbineysa Gabdho Soomaali ah oo lacag been abuur ah lagu qabtay

|

KENYA (KAAB TV) -Wax kasoo baxay Waaxda dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal daba socday xog badan oo ay hayaan kaddib in ay kusoo qabteen labo Gabdhood oo Soomaali ah oo boorso ku waday lacag badan oo been abuur ah sida hadalka loo dhigay.

Magacyada Gabdhahaan waxaa lagu kala sheegay Ifraax Cali Jayte iyo Qamar Salaad Cabdi, lacagta lagu qabtay oo ah Doollar waxa ay DCI sheegtay in ay gaaraysay $560,000 oo u sameysan boqol-boqol doollar una dhiganta 70 Milyan oo shillinka Dalkaas ah.

Waxaa lagu hayaa xarunta dhexe ee Waaxda baarista iyo dabagalka dambiyada Kenya ee DCi kuna taal Magaalada Nairobi, waxaa kiiskooda loo gudbiyay xafiiska Xeer ilaalinta si ay ugu gudbiyo Maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwaddaan.

Waxaa la baahiyay Sawirka Gabdhahaan iyo Boorsada lacagta ku jirto balse waxaa la qariyay goobta sida rasmi ah lagu qabtay, haddii ay socdaal ahaayeen, haddii ay safar ka yimaadeen iyo Su’aalo kale oo dadku is weydiinayaan in ay helaan jawaabahooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News