SO | EN

SO | EN

Kenya oo shaacisay in ey dib ula soo wareegtay saddex Jasiiradood oo kamaqnaa

|

Nairobi (KAAB TV) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay dib ula soo wareegtay saddex jasiiradood oo si sharci darro ah looga heestay, waxa ayna dowladda hadda ku howlan tahay sidii ay usoo ceshan laheyd jasiirad kale oo wali gacanteeda ka maqan.

Sidoo kale, War kasoo baxay hayádda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in gacantooda kusoo laabatay dowladda saddex jasiiradood oo ka maqnaa, waxaana jasiiradahaasi heestay oo laga soo celiyay saddex qofood.

Dhanka kale, afhayeenka Hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya Eric Ngumbi ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ku howlan yihiin sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa jasiirad afaraad, waxa uuna xusay in ninka heesta uu diiday in uu soo celiyo.

Afarta jasiiradood ee dowladda Kenya hadda saddex kamid ah dib usoo ceshatay ayaa qiimahooda lagu sheegay in ay dhan yihiin 305 milyan oo shilinka Kenya ah  una dhiganta ($2 milyan oo doolar).

Jasiiradahan ayaa loo qoondeeyey inay noqdaan meel la ilaaliyo oo hoos timaada kaydka badda ee Kisite Mpunguni sannadkii 1978. Ilaa wakhtigaas, waxay si sharci ah uga tirsan yihiin adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News