Kenya (Kaab TV)– Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kadib War rasmi ah oo ka soo baxay maanta.
Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo maamullada gobollada waqooyiga ee dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hortagaayo weerarrada argagixiso ee Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaas.
“Xadka ayaa la furayaa, seddax jeer ayaan la kulmay madaxweynaha Kenya waxaan kala hadlay in la furo isku socodka shacabka labada dal, nabad geliyada Kenya waxaa la sugi karaa markii xuduuda la furo, sidoo kale wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iga balan qaaday in la furi doono xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.
Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in 1-da bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa.
“Dowladdu waxay ku bixineysaa la dagaalanka Al-Shabaab 20 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah, si ciidamadu ay u helaan adeegyada ka caawin kara inay si buuxda u sugaan amniga muwaadiniinta Kenyaanka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.
Saraakiisha ugu sareysa dhinaca amniga ee dalka Kenya waa Soomaaliya ka soo jeeda gobollada NFD ee Soomaalida Kenya, waxayna hadda masuuliyiinta Soomaalida ah kala shaqeynayaan in dib loo furo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.