Nairobi (KAAB TV) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta oo Isniin ah soo saartay warsaxaafadeed ay ku xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay in ay sii wadayso xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeya Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo la tashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in Kenya ay ixtiraamayso madax-bannaanida siyaasadeed, midnimada qaranka, iyo dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku saleysan xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada goboleed ee ay Soomaaliya qayb ka tahay.
Bayaanka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu maanta u safray magaalada Nairobi, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Kenya.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu la kulmi doono madaxda sare ee dowladda Kenya, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah oo mudnaan gaar ah u leh Somaliland. Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa xarigga ka jari doona dhismo cusub oo casri ah oo loogu talagalay in uu noqdo safaaradda Somaliland ee Kenya.
Kenya ayaa horey u soo dhoweysay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taasoo ay si weyn uga cadhootay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maaddaama ay dowladdu Axmed Madoobe u aqoonsan tahay dambiile loo jaray waaran maxkamadeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamusan safarka Madaxweyne Cirro ee Kenya, inkasta oo ilo diblumaasiyadeed ay u xaqiijiyeen HOL in dowladda Soomaaliya ay aad uga xumaatay booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tegayo Nairobi.