SO | EN

Kenya: Xildhibaanada oo u codeeyay mooshin xilka looga tuurayo Madaxweyne ku Xigeenka Rigathi Gachagua

|

NAIROBI (KAAB TV) – Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua waxaa dacwad ku soo oogay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Kenya, taas oo ka dhigaysa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay taariikhda dalka ee dacwad xil ka qaadis lagu oogo.

Gachagua wuxuu kasoo jeeda qowmiyadda Kikutu, wuxuuna ahaa saaxiib dhow oo ay isla soo halgameen Madaxweyne William Ruto doorashadii 2022 ka dhacday Kenya oo loolan adag ay labada nin kula jireen xukufadii Uhuru Kenyatta.

Mooshinka xil-ka-qaadista Gachagua waxaa si weyn loogu codeeyay galabnimadii Talaadada, iyadoo 281 Xildhibaan ay u codeeyeen xil-ka-qaadista madaxweyne ku xigeenka.

Waxaa diiday 44 Xildhibaan. Hal xildhibaan ayaa ka aamusay codbixinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Moses Wetang’ula oo natiijada ku dhawaaqay ayaa yiri, “Qodobka 145 (2) ee Dastuurka ayaa dhigaya in ugu yaraan labo-meelood saddex meelood oo xubnaha Golaha Shacabka ah ay taageeraan mooshin gaar ah oo xil-ka-qaadis ah. Maadaama 281 xildhibaan u codeeyeen xil-ka-qaadista, shuruuddaas waa la buuxiyay.”

Dacwadda oo u gudbeysa Aqalka Senate-ka

Goluhu wuxuu mar kale isugu imaan doonaa subaxnimada Arbacada, Oktoobar 9, 2024, si uu u sii wado hawlaha caadiga ah ee uu u qorsheeyay Guddiga Hawlaha Golaha.

Ka hor codbixinta, Madaxweyne ku Xigeen Gachagua wuxuu helay fursad uu isku difaaco eedeymaha 11-ka ah ee loo soo jeediyay, kuwaas oo ka mid yihiin ku xadgudub weyn dastuurka, wiiqidda Madaxweynaha, helitaan aan sharci ahayn oo hantiyeed, kor u qaadista qabyaaladda, iyo amar-diido.

“Waxaan aaminsanahay in xildhibaanadu go’aan sax ah qaadan doonaan. Eega, ka fakara, oo damiirkiina adeegsada,” ayuu yiri Gachagua isagoo difaacanaya naftiisa, wuxuuna intaas ku daray inuu ixtiraami doono go’aanka Golaha.

Mooshinka hadda waxaa loo gudbin doonaa Aqalka Senate-ka maadaama Kenya ay leedahay Baarlamaan ka kooban labo gole.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay tahay inuu ku wargeliyo Guddoomiyaha Senate-ka go’aanka xil-ka-qaadista laba maalmood gudahood.

Senate-ku waa inuu isugu yimaado toddoba maalmood gudahood si uu u hubiyo eedeymaha.

Senate-ku wuxuu go’aansan karaa inuu magacaabo guddi gaar ah oo ka kooban 11 xubnood si ay u baaraan arrinta oo ay u soo gudbiyaan warbixin muddo 10 maalmood gudahood ah, taas oo go’aaminaysa haddii eedeymaha la xaqiijiyay ama aan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News