MUQDISHO (Kaab TV) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji ayaa maanta dhagaxdhigay xarunta maamulka degmada iyo saldhigga deegaanka Tawakal oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka iyo xubno kale oo ka tirsan madaxtooyada KGS ayaa sheegay inay dhowaan qorsheynayaan in deegaanka Tawakal oo ku dhow magaalada Muqdisho, loo aqoonsado degmo buuxda.
Deegaanka Tawakal ayaa u dhexeeya degmooyinka Dayniil iyo Baklcad.