SO | EN

SO | EN

KGS oo isaga baxday ciyaaraha Maamul Goboleedyada Somalia

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Kooxda Kubbada Cagta ee Koonfur Galbeed Somalia ayaa gebi ahaanba ka baxday tartanka ciyaaraha ee maamul gobolleedyada dalka oo ka socday Muqwdisho ka dib markii la xallin waayey cabashada Koonfur Galbeed ee la xiriirta weerar shalay lagu beegsaday 6 ka mid ah ciyaartoydooda oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Taageerayaal ka tirsan kooxda Galmudug ayaa lagu eedeynayaa in ay weerarka ka dambeeyeen.

Ciyaartoyda Koonfur Galbeed ayaa hadda la sheegay inay u safreen magaalada Baydhabo ka dib markuu sidaasi amray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaa ciyaaraha hore uga baxay maamulka Puntland oo gebi ahaanba aan ka qeybgalin khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka u dhexeeya darteed.

Waxaa jiray in illaa xalay ay socotay waan-waan lagu doonayey in arrinta la xalliyo, si ciyaaraha oo weli aan dhammaan hore ugu sii socdaan.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka ciyaaraha, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo marti loo yahayba.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News