SO | EN

Khadiijo Diiriye oo Taleefankeedi looga xaday xarunta Villa Soomaaliya

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Haweenka iyo Qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in xalay laga xaday taleefankeedii gacanta, intii lagu guda jiray munaasabadda xuska kowda Luulyo oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday muqaal kooban oo ay ka dhex muuqatay Khadiijo Diiriye oo dhex taagan masraxa xafladda islamarkaana baadi goobeyso Taleefankeeda gacanta.

Muqaalka ayaa waxaa lagu arkay iyada oo dheheysa “Taleefankeygi yaa inta kaqaaday” muqaalkaas oo baraha bulshadda sacaadihii lasoo dhaafay siweyn uqabsaday.

Sidoo kale waxey tiri “War Taleefankeygi yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee qofkalana nama soo dhexgaline” ayey tiri kuturi muuqaalka sida lagu arkaayay waliba iyadoo oo cod kudheheyso.

Illaa hadda meysan shaacin in taleefankeedi ey dib uheshay balse sida muuqaalka kamuuqatay waxaa laga dareemayay in ey jahwareertay Khadiijo Diiriye maadama ey Kaamirada soo qabatay iyada oo jahwareersan si aadna uqelineysa maadaama laga xaday Taleefankeedi gacanta.

Falkan foosha xun ee xalay kadhacay Villa Soomaaliya ayaa waxaa kadhashay hadal heyn badan dadka kafalceliyay waxaa kamid siyaasi Cali Yare Cali wuxuuna yiri “War toloow Mobile-ka Khadiija hala keeno intiinaanaa meesha joogtaye.”

Waxaa sidoo kale ka falceliyay Garaad Yaasiin oo isna yiri “Waa Musuq Maasuqii oo baritacool xumo weyn, Waxaanse ka cabsi qabaa in wax lasoo qarxiyo.”

Sidoo kale waxaa ka falceliya Salmaan Oscar wuxuu yiri “Wasiirad dhan oo meesha kadhax qeylineeso oo leh yaaqaaday talefankeeygi waa wax aad loola yaabo.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News