MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan siddeed ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal shalay hubka culus la isku adeegsaday oo dhexmaray ciidan ka tirsan kuwa booliska Haramcad oo ay wehlinayaan kuwa nabnadsugidda iyo booliska-militariga oo la dagaalamay ciidan ka tirsan kuwa militariga oo ka horjeefay.
Dagaalka oo aroortii hore ka qarxay xaafadda Horseed ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku haya dhul ka mid ahaa garoonkii kubadda ee kooxda Horseed, oo dad rayid ah ay deganaayeen balse hadda la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu la wareego, ka dibna uu iibsado.
Ciidanka Haramcad oo uu horkacayo Cabdixakiin Ceeldheer oo ka mid ah qaraabada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa subaxnimadii hore weerar ku qaaday xaafadda Horseed, halkaas oo markii hore dad is abaabulay ay rasaas kala hor yimaadeen, ka dibna waxaa ku soo biiray ciidan militariga ka mid ah oo la sheegay inay diidanaayeen barakicinta dadka shacabka ah.
Dagaalka ayaa xoogeystay, waxaana barqadii dib u gurtay ciidanka Haramcad, iyadoo mar dambe ay ku soo biireen ciidanka boolis-militariga ee lagu soo tababaray Uganda, iyo qaar ka mid ah nabadsugidda iyo booliska.
Suxufiyiinta ayaa la weeraray, oo loo diiday inay dhacada si toos ah uga soo waramaan, hase ahaatee waxay saxafiyiinta qaar arkeen meydad dhulka daadsan oo ay ku jiraan illaa 5 ruux oo rayid ah.
Dadka qaar ayaa la sheegay in rasaastu ay ugu tagtay guryahooda.
Ciidamada Haramcad ayaa la arkayay iyagoo adeegsanaya hubka lidla diyaaradaha sida Dhashiikaha, iyo baasaake, iyadoo goobtuna ay tahay xaafad rayid ku noolaa.
Barakac xooggan ayaa ka dhacay deegaanka, waxaana haween ku sugnaa aagga KPP ay Kaab TV u sheegeen in dhammaan dadkii degannaa agagaarka ay qexeen.
Tirada dadka barakacday ayaa lagu qiyaasayaa labo kun wax ka badan.
Cambaareynta dagaalka
Waxaa dagaalkan cambaareeyay hoggaamiyaasha mucaaradka, oo soo saaray war saxaafadeedyo kala gooni ah.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa duullaanka loo adeegsaday Ciidanka Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah islamarkaana lagu burburiyay xaafado dad danyar ah ay ku nool yihiin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
“Waa ayaan darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin in Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka u dhaartay oo la rabay inuu ilaaliyo nafta iyo maalka muwaadinka uu iyagii kusoo hoos noqdo isagoo adeegsanaya ciidankii Xoogga dalka,” ayuu sii raaciyay.
Waxaa dhankooda dagaalka cambaareeyay maamullada Puntland iyo Jubaland oo mas’uuliyiin ka mid ah si adag u diideen in awood hub loo adeegsado shacabka Muqdisho.
Dhanka kale, taliska booliska Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhimashada iyo dhaawaca, waxaana war saxaafadeed kasoo baxay boolsku ay ku sheegeen inay iyagu la wareegeen goobta lagu dagaallamay.
Kaab TV ayaa ilo rasmi ah u sheegeen in weli ay jirto xiisad ka taagan goobta lagu dagaallamay, halkaas oo dhinacyada ay isku hub urursanayaan. Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku dib u soo laabto.
Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sheegayna in dad ehelkiisa lagu dilay dagaalka shalay, ayaa sheegay inaanay jirin meel dambe oo loo laabto, dadka deegaankuna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.
Wuxuu ku eedeeyay beesha caalamka ee taageerta dowladda federaalka inay tahay midda ku taageereysa Xasan Sheekh barakicinta dadweynaha, sida uu yiri.
Barakicinta dadka rayidka oo laga saarayo dhulalki danta guud oo ka dibna laga iibinayo ganacsato lacago badan heysta waxay noqonatay fadeexad weyn oo dul hoganeysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tan iyo 2022 waxaa si qasab ah loo barakiciyay kumanaan qoys oo dan yar ah oo qaarkood yihiin dad horey usoo barakacay kuwaas oo hay’adaha samafalku sheegayaan inaanaysan heysan meel kale oo ay u qaxaan.
Xiisaddan colaadeed waxay imaaneysaa iyadoo ismari-waa uu ka taagan yahay nooca doorashada marka la gaaro 2026 oo uu dhammaan doono waqti xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

