SO | EN

SO | EN

Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka ka socda deegaanka Jiicboor ee Gobolka Mudug

|

Mudug (KAAB TV) – Xiisad colaadeed ayaa weli ka taagan degaanka Jiicboor oo ka tirsan gobolka Mudug halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda  maamulada Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale, dagaalka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay, khasaare badan iyadoo maleeshiyooyinka ay isku adeegsanayaan hub kala duwan oo u badan qoryaha fudud.

Dhanka kale, inta la  xaqiijiyey dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada 11 qof iyo dhaawaca 20 kale shalay oo kaliya, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya

Waxaa socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo colaada oo ay wadaan waxgarad ka tirsan labada beelood iyo masuuliyiinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland inkastoo aan weli lagu guuleysan in xabada la joojiyo.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah dhul abaar ah oo aan laheyn wax nafci ah kuna wanaagsaneyn daaqsiinka arrintaasoo ah arrin nasiib daro ah.

Sikastaba, Labada beelood ayaa horey loogu heshiisiiyey gogol ay dhigeen maamulada Puntland iyo Galmudug hase ahaatee heshiiskaas ayaan muddo kooban ka dib burburay ka dib maleeshiyo ka tirsan labada beelood ay dilal isku geysteen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News