MUQDISHO (Kaab TV) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay khasaaraha roobab xooggan oo ka da’ay caasimadda Muqdisho kuwaas oo xaaqay jidad isla markaana dumiyay guryo.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa wariyaasha u sheegay in 7 ruux ay geeriyoodeen, labo ka mid ahna ay yihiin haween.
“Dadka geeriyooday waa 7 ruux oo ay labo haween yihiin. Waxaa sidoo kale jira carruur ku geeriyootay daadadka magaalada ku fatahay,” ayuu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in 200 qoys ay barakeceen ka dib markii guryahooda ay biyaha soo galeen, kuwaasoo hadda aan heysan gabbaad ay ku hoydaan.
illaa 6 jid oo ka mid ah waddooyin dhowaan la dhisay ayaa sidoo kale biyuhu xaaqeen, sida uu xaqiijiyay Saalax Cumar.
“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa tan iyo xalay waday gurmadka dadka ay biyuhu guryahooda galeen, waxaana soo saarnay gawaari ay waddooyinka la dumeen,” ayuu yiri afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Maamulka Gobolka Banaadir inaysan waxba ka qaban dhibaatada ku habsatay dadka jilicsan ay roobabku saameeyeen.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska daayo doorashada muranka badan keentay, uuna wax u qabto dadweynaha Muqdisho ee ku dhibaatoobay roobabka.
“Qof iyo cod hanoo danbeeyee, Madaxweynow magaaladaan wax ka qabta,” ayuu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qoray bartiisa Facebook.
Habeenkii Jimcaha, roobab xooggan oo cabirkoodu gaarayo 115 millimitir ayaa muddo siddeed saacadood ku da’ay magaalada Muqdisho, taasoo sababay in bullaacadaha qaadi jiray biyaha ay burburaan, isla markaana biyaha daadku gaaraan xaafado badan oo ka mid ah caasimadda.

Daadadku waxay waddooyin muhiim ah, taasoo carqaladaysay isu socodka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.
Musiibadan waxay qeyb ka tahay isbeddelka cimilada ee sii xumeynaya gaar ahaan xaaladda cimilada ee Soomaaliya, taas oo hadda dadka nugul ay noqdeen dhibbanayaasha ugu badan ee ay saameysay.
Soomaaliya ayaa wajahaysa silsilado isdaba joog ah oo dhanka cimillada ah—oo ay ka mid yihiin abaaro daba dheeraaday oo ay ka dambeysay fatahaado xooggan—kuwaasoo si ba’an u saameeyay beeraha, u barakiciyay bulshooyin badan, isla markaana sare u qaaday khatarta cunno yari.