Khasaare farabadan oo dhashay Hoobiyeyaal kusoo dhacay saakay xaafadaha Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha kadhashay hoobiyeyaal saaka lagu soo tuuray qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in hoobiyeyaalka ey kusoo dheceen agagaarka madaxtooyada Somalia iyo xaafado katirsan degmada Boondheere.

Dhanka kale, qaar kamid ah dadka deegaanka oo Kaabtv lahadlay ayaa u xaqiijiyay in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu kudhacay guri ey deganaayeen dad shacab ah oo degan isla degmada Boondheere.

Hoobiyahan ayaa waxaa kugeeriyooday Hooyadii qoyska kadib markii uu hoobiyaha kudhacay qolka ey deganeed Hooyada qoyska.

Dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ayaa faahfaahin kabixisay sida ey wax udheceen waxeyna sheegtay in Hooyada qoyska ey go’goday sida ey u xaqiijisay Warbaahinta.

Laamaha amaanka ee ciidanka dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu hoobiyaha kudhacay iyagoona halkaas kabilaabay howlgalo lagu xaqiijinaayo amaanka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News