GAROWE (KAAB TV) – Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaalia, Xasan Cali Kheyre, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii uu barlamaanka federaalka shalay oo Arbaco ahayd ku meelmariyeen hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka.
Kheyre ayaa sheegay in iyadoo heshiis laga yahay dastuurka ay tahay in la isugu yimaado dhameystirka dastuurka.
Wuxuu sheegay inay tahay arrin laga xumaado iyadoo xaalad adag dalku ku jiro, in haddana tallaabada wax-ka-beddelka dastuurka loo qaaday si loo kala qeybiyo midnimada iyo wadajirka ummadda.