Khilaaf Ka Dhashay Magacaabista Taliyaha saldhiga Booliska degmada jowhar

|

JOWHAR (Kaab TV) -Taliyaha Ciidanka booliska DFS Asad C/laahi Cismaan (Diyaano) ayaa goor sii horeeysay taliye Maxamed Cali Siyaad Canjeex u magacaabay taliyaha Saldhiga booliska Degmada Jowhar kaaso horay u soo noqday sidoo kalena taliye ka soo noqday qaar kamida saldhigayada degmooyinka gobolka banaadir.

Balse War qoraal ah iyo sawir lagu faafiyay barta Tvga Maamulka Hirshabelle ayaa taliyaha booliska Hirshabelle Xasan Dhicisow Xasan asne dhankiisa u magaacabay saldhiga degmada Jowhar inuu taliye ka noqdo C/fitaax Arwaax aadan.

 

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeele oo ka dhalatay magacaabistaan iska horjeeda ee ay sameeyeen Taliyaha Ciidanka booliska DFS Asad C/laahi Cismaan (Diyaano) iyo taliyaha booliska Hirshabelle Xasan Dhicisow Xasan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News