DHUUSAMAREEB (KAAB TV) – Dhuusmareeb waxaa ka taagan khilaaf ka dhashay xil ka qaadis uu Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid uu ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi Maxamed Jaamac waayeel.
‘’Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqadi ka joojiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug ka dib markii uu Xagal daaciyay Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Cali Ciid.
Tallaabadan oo dhalisay hadal hayn badan ayaa durbadiiba waxaa jawaab ka bixiyay Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka Cali Ciid.
Xil ka qaadista Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug waxay timid saacado uun ka dib markuu Wasiirku kala diray Golihii Deegaanka Caabudwaaq oo Madaxweyne ku Xigeenku kasoo jeedo.
Madaxwaynaha waxa uu sheegay in ku xigeenkiisa uusan awood u lahayn in shaqada uu ka joojiyo wasiirka arrimaha gudaha maamulka.
“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtoyada Galmudug.
War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ayuu ku micneeyay tallaabada ku xigeenkiisa mid “gebi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo Madaxweyne ku Xigeenka.”
Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafkan uu sii xoogeysanayo, durba ay billaabatay in labada dhinac ay kala helaan taageero xubnaha Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Mas’uuliyiin ku sugan Dhuusamareeb ayaa u sheegay Kaab TV in ay billaabatay diyaarinta miishino iska soo horjeeda oo labada dhinac lagu kala taageerayo, laguna doonayo in dhinaca kale looga xayuubiyo xilka.