Khilaaf Ka Taagan Xarunta CID-da Soomaaliya oo Hakad Geliyay Adeegyadii Dadweynaha

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa  gabi ahaanba hakad galay howlmaalmeedkii Hay’adda Baarista Dambiyada (CID) ee Soomaaliya, gaar ahaan xarunta KM4, kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay Taliyaha Hoggaanka CID-da Soomaaliya, Kornayl Ibrahim Aadan Dhaayow iyo Agaasimaha Waaxda Faradhiska, Gaashaanle Mowliid Muuse Cadde, oo ah seediga Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Asad Cismaan Diyaano.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in khilaafkan uu salka ku hayo maamulka lacagaha laga qaado adeegyada ay xaruntu u qabato shacabka, gaar ahaan akoonnada lagu shubo khidmadaha iyo lacagaha dheeriga ah ee sifada sharci darrada ah looga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wararka qaar ayaa waxay tilmaamayaan in Agaasimaha cusub ee Waaxda Faradhiska, Mowliid Muuse Cadde, uu la wareegay maamulka xafiiska iyo akoonnada lacagaha lagu qabto, arrintaas oo la sheegay inay ka careysiisay Taliyaha CID-da, Ibrahim Aadan Dhaayow. waxaana uu ugu dacwooday taliyaha booliiska hasse yeeshee waxba wuu uga qaban waayay maadaama booskaasi uu shaqo abuur u yahay qoyska xaaskiisa,

Dadka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaadaa lacag dhan 35 doolar warqad dambi baaris ah, halka dadka adeegyada kasoo dalbada Somaliland iyo Puntland laga qaado lacag u dhexeysa 150 illaa 200 oo doolar si online ah loogu diro warqadda dambi la’aanta, taasoo iyana noqonaysa sharci darro iyo musuq isbiirsaday,

Dhaqalaaha sharciga ah ee hay’adda CID-da loo sharciyeeyay warqada dambi la’aanta Waa $10 doolar oo uu lagu shubo akoonka Wasaarada Maaliyada dowlada faderaalka, balse hada waxa la qaadaa 35 doolar dheeriya ( 30 warqada & 5 Sawir ah) waxana lagu shubaa markasta akoon u gaara agaasimaha waaxda ama taliyaha hay’adda markaa jooga, taasoo ah musuq culees dhaqaale ku ah shacabka soomaaliyeed,

Ilaa hadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa dhaqaale iyo maamul xumada la sheegay inay ka jirto hay’adda CID-da. Shacabka soomaaliyeed wali ma helin wacyigelin lagu fahansiiyo dhaqaalahan culus ee sharci darrda looga qaadayo inay diidaan oo ay ka hadlaan waxay u arkaan fursat uu helay qof kale.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News