SO | EN

SO | EN

Khilaafka Hirshabeelle iyo Villa Somalia oo laga dareemay garoonka Jowhar

|

JOWHAR (KAAB TV) – Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Villa Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeeyay sii xoogeysanayay, iyadoo xiisaddaas laga dareemay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmihii la soo dhaafay muujinayay walaac siyaasadeed oo ku aaddan siyaasiin uu aaminsan yahay in ay saameyn ku yeelan karaan mustaqbalkiisa siyaasadeed, sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen.

Guudlaawe ayaa dareenkiisa siyaasadeed la wadaagay Villa Soomaaliya, gaar ahaan arrimo ku saabsan laba siyaasi oo ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo bilihii u dambeeyay abaabul ciidan ka sameynayay qaybo ka mid ah Hirshabeelle, gaar ahaan gobolkaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku adkeeyay in siyaasiyiintaas iyo ciidanka la abaabulay laga saaro gobolka loona madax-baneeyo maamulka Hirshabeelle.

Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cali Guudlaawe u sheegay in abaabulka ciidanka uu ka warqabo, balse ujeedadiisu tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada Hirshabeelle, maadaama gobolka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxdaas.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku adkeeyay in abaabulka ciidanka deegaanka loogu talagalay inay si wadajir ah ula shaqeeyaan ciidamada dowladda, islamarkaana aysan jirin ujeedo kale oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle.

Warar xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in Cali Guudlaawe uusan ku qancin hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu dalbaday in siyaasiyiinta iyo ciidanka ay abaabuleen dib loogu celiyo Muqdisho, halka ciidanka laga saaro gobolka. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Xiisaddan ayaa dhalisay dareen siyaasadeed oo xooggan, iyadoo dad badan aaminsan yihiin in abaabulka ciidanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe uu saameyn toos ah ku yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee dowladda Soomaaliya ka wado gobolka ayaa lagu tilmaamay in aysan farxad gelin Madaxweyne Guudlaawe, kaas oo hadda u arka in ay khatar ku yihiin mustaqbalkiisa siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News