Muqdisho (KAAB ) Kulamo is daba- joog ah oo ka soconayay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maalmahan ayaa heshiis laga gaaray doorashada kursiga sumadiis tahay HOP 176 ee deegaan doorashadiisu ay tahay koonfur Galbeed.
Madaxwaynaha koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ee iska leh kursiga oo qaatay kulamo badan joogta ah ayaa Madaxwayne Laftagareen iyo Odayaasha dhaqanka isku afgarteen in doorashada soo socoto kursigan uu noqdo mid furan oo aan loo xiran shaqsi gaar ah.
Siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo dadaal badan ku bixiyay sidii loo gaari lahaa heshiis keeni kara in si nabada ah loo maareeryo kursiga oo caqabado badan ku heeran ayaa Odayaasha ku dhiiragaliyay in ay muujiyaan dadaal maadama ay aad ugu xumadeen sida wax loo maareeyay.
Dr Bilaal ayaa u sheegay Odayaasha dhaqanka in ay qaataan hadalka Madaxwayne Laftagareen oo ah in la muujiyo tansuul isla markaana inta xilka uu joogo ka shaqayn doonto in kursigaas HOP 176 uu noqdo mid furan isla markaana uu qori doono warqad arintaas uu cadaynayo inta uu joogo xafiiska ama xitaa hadii uu xafiiska baneeyo labaduba.
Aqoonyahan Dr Bilaal ayaa Odayaasha faray in ay qaataan hadalka Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen isla markaana seddaxda sanno ee soo socota loo daayo kursiga agoonta uu ka dhintay AUN xildhibaan Boorow.
Kursiga ayaa la xusuustaa dhibaatadii xoogaan ee ka dhashay sanadkii 2016-kii xilligaas oo uu xiray , Madaxwaynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan , si taas loogu baaqsadana Dr Bilaal ayaa u sheegay Odayaasha in ay ka eegan dhanka xalka ah Madaxwaynaha koonfur Galbeed uu ka gaaray kursigaas iyo doorashadiisa.