SO | EN

SO | EN

Qodobada ugu weynaa khudbad sannadeedka Madaxweynaha Somaliland: Cabdiraxmaan Cirro

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa Axaddii 20ka Abriil khudbaddiisa sannadlaha ka jeediyay kulanka guud ee baarlamaanka Somaliland, isagoo ku qaadday arrimo isugu jira kuwa gudaha, amniga, iyo kuwa dibadda.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Haddaba waxaan warbixintaan ku soo koobnay qodobadii ugu weynaa ee khudbadda madaxweyne Cirro.

Xaaladda guud ee Somaliland

Madaxweyne CVirro ayaa sheegay in Somaliland ku jirto marxalad ay soo martay duruufo adag oo ka dhashay culaysyadii hoos u dhaca dhaqaale ee soo jiitamayey saddexdii sanno ee u dambeeyey, Nabadgelyadii iyo wadajirkii qaranka ee wiiqmay, hoos u dhicii ku yimid dimuqraadiyadda iyo is-mari-waagii siyaasadeed ee sababay dib u dhacii doorashooyinka.

“Maanta ammaanka guud iyo nabadgelyadu way sii xoogaysanayaan, dhaqaalihii xasilooni iyo dhaqdhaqaaq koboc abuuraya ayaa galay. Dib-u-habayn ballaadhan baa ka socota garsoorkii iyo nidaamkii maamul ee hay’adaha dawladda, adeegyadii dadweynaha iyo arrimihii bulshadu way fidayaan,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Xidhiidhka dunida

Mar uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland ee adduunka ayuu sheegay madaxweynaha Somaliland ay Xukuumaddiisu ay dadaal weyn gelisay dib u soo noolaynta xidhiidhadii caalamiga ahaa, iyo saaxiibadii ay Somaliland ku lahayd dunida.

“Siyaasaddayadu waa in aannu dunida ku qancinno aqoonsiga Somaliland, kaas oo aynnu xaq sharci ah u leenahay cid kasta oo innagu garab siisana aynnu ugu hayn doonno abaal raaga iyo saaxiibtinimo ku dhisan dano is dhaafsi,” ayuu u sheegay baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Somaliland ku garab siinayaan maalgashiga Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, beeraha, kalluunka iyo macdanta, kaabayaasha caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo waddooyinka.

Shirkii Dowladda Adduunka ee Dubai

Cirro ayaa xusay in Somaliland fursad ka heshey Shirkii Dowladaha Caalamka (World Governments Summit Dubai) kaas oo martiqaad rasmi ah uu ka helay dawladda Imaaraadka.

“Shirkaas waxa ka soo qayb galay in ka badan 140 dal, waxaan yimaada madaxweynayaal, Raysal wasaarayaal, madaxweyne ku xigeeno, wasiiro, madax hore oo caan ah, shirkadaha dunida ugu waaweyn iyo maalgashadayaasha adduunka ugu waaweyn. Sida oo kale waxa uu ahaa fursad aynu suuq-geyn weyn ugu samaynay khayraadkeenna dihin ee maalgashiga caalamiga ah u baahan. Fariinteennii Jamhuuriyadda Somaliland ee aan ka dirnay shirkaas waxa ay gaadhay in ka badan 50 million oo qof oo dunida daafaheeda ku nool,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay xoojisay xidhiidhka Maraykanka iyo dadaallada ay Somaliland ku sii dhiirrigelinayso danaynta Mareykanka ee Somaliland, iyadoo ay hadda taagan tahay xasaradda Badda Cas ee ay Xuutiyiinta Yemen amni darri kaga geysanayaan Gacanta Cadmeed.

Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland intii ay socotay khudbadda Madaxweyne Cirro.
Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland intii ay socotay khudbadda Madaxweyne Cirro.

Dowladda Ingiriiska ayaa Somaliland siisay kaalmo dhinaca ammaanka ah iyo iskaashiyo dhinacyo badan leh.

Dalalka saamaynta ku leh siyaasadda Geeska Afrika iyo daneeyeyaasha caalamiga ahiba, wuxuu madaxweyne Cirro sheegay inay Somaliland ku bogaadiyeen dadaallada qarameynta, nabadaynta, iyo dib u heshiisiinta ah ee goballada bariga Somaliland.

Safarro uu ku tagi doono Ethiopia iyo Djibouti

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dhawaaqay in ay sii xoojinayaan xidhiidhka taariikhiga ah ee ku dhisan deris-wanaagga, walaaltinimada iyo iskaashiga, ee Somaliland la leedahay dalalka Ethiopia iyo Djibouti.

“Waxaanay qorshaynaysaa safarro aannu ugu bixi doonno dalalkaas,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Cirro.

Amniga gudaha

Nabadda iyo ammaanku waa seeska horumarka iyo gaashaanka dawladnimada, ayuu sheegay Madaxweyne Cirro oo tibaaxay in boqolkii maalmood ee ugu horreyay xukuumaddiisu ay bilawday fulinta tallaabooyin muhiim ah oo ay ku jirto qaramaynta iyo hub ka dhigista Ciidamadii malleeshiyaadka beelaha ahaa oo hadda tababarro loo furay, kuwaas oo ku soo biirtay ciidamada Somaliland.

“Si loo adkeeyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadaydu waxa ay maanta ku dhawaaqeysaa abuuritaanka Ciidamada kaydka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay amniga garoomada diyaaradaha iyo socdaalka dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada ilaalada xeebaha lagu kordhiyay 700 askari oo tababar cusub soo qaatay, sida uu yiri madxweynuhu.

Saraakiil ku sugneyd xarunta baarlamaanka Somaliland intii ay socotay khudbadda madaxweynaha.
Saraakiil ku sugneyd xarunta baarlamaanka Somaliland intii ay socotay khudbadda madaxweynaha.

Isbeddelka cimillada

Madaxweyne Cirro wuxuu ku celiyay in dhibaatada isbeddelka cimiladu ay ka mid tahay caqabadaha ugu daran ee curyaamiya dhaqaalaha.

“Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ay gaadheen raadadka dhibaato ee isbeddelka cimiladu. Waxaannu xil gaar ah iska saarnay daryeelka deegaanka, xakamaynta biyaha iyo cunto yaraanta, iyo ka hortagga guud ahaan dhibaatooyinka isbeddelka cimilada,” ayuu sheegay.

Wuxuu ku dhawaaqay siyaasadda ilaalinta deegaanka, la dagaalanka xaalufinta, iyadoo muddo xileedka xukuumadda Cirro ay tahay in la beero saddex (3) million oo geed, taas oo u dhiganta in sannadkiiba 600,000 geed la beero.

“Maalinta Qaranka ee dhir beerista Jamhuuriyadda Somaliland oo loo asteeyey 15 ka April Sannad kasta, oo aannu daah-furnay Bishan Badhtankeedii in la beero 300,000 oo geed,” ayuu yiri.

Cambaareynta socdaalkii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya

Wuxuu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood 16kii Abriil, uu yahay “ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaalada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi”.

“Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay inay joojiyeen wada hadalladii u socday Soomaaliya iyo Somaliland sabab la xiriirta socdaalka uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya ku tagay Laascaanood.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News