MUQDISHO (KAAB TV) – Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul oo maalintii afraad ku jira xarig sifo sharci darro ah ayaa saaka kooxda booliska ee dembi baarista CID ayaa si sharci darro ah kaga soo bixiyeen halkii lagu hayey oo ah saldhigga booliska degmada Xamar Jajab.
Sida Kaab TV uu ogaaday waxay saraakiisha CID weydiiyeen Bulbul wax ay ku sheegeen su’aalo, balse wuu ka diiday inuu uga jawaabo qareen la’aan.
Illaa hadda Bulbul ma booqan karaan qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Sidoo kalana ma helin waxyaabaha aas aasiga ah ee uu u baahan yahay sida cunto, biyo iyo jiif.
Sabtidii shalay ayaa Bulbul la horgeeyay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, halkaasoo garsooruhu weydiiyay sababta xarigga. CID waxay sheegeen inaysan iyaga soo xirin, balse nabadsugidda ay yihiin ciidanka xiray. Mana jirin wax fasax ah oo xariggiisa loo heystay.
Garsooraha ayaa ka dib toddobo maalin siiyay saraakiisha CID inay ku keenaan caddeynta sababta xarigga ama eedeyntiisa.