MUQDISHO (KAAB TV) – Wariyaasha Kaab TV ayaa booqday qoyska Maxamed Cumar Cabdullaahi, oo 19 jir ah, kana soo jeeda beesha Shiikhaal Gandershe, kaasoo degmada Afgooye laga soo xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu “xaday” telefoon walow markii dambe la heley.
Halkii la sii deyn lahaa, Maxamed, waxaa loo soo wareejiyay xabsiyada Muqdisho, halkaasoo siday qoyskiisu sheegeen lagu jirdilay, ka dibna loo sameeyay dembi kale oo ah “dil inuu ka qeybqaatay”.
Saddex sano ka dib weli Maxamed wuxuu sugayaa dil uusan geysan, oo lagu eedeeyay, looguna xukumay dil.