MUQDISHO (KAB TV) – Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaaya kiisas la yaab leh oo ah gabdho yar yar oo la waayo halkay ka bexeen, kuwaasoo qoysaskooda ay baafinayaan.
Kiisaska oo had iyo jeer lagu arko baraha bulshada ayaa noqday kuwo soo laa laabta.
Dhacdada ugu dambeysay ayaa ah kiiska Xamdi Cabdinuur oo ah gabar 17 jir ah taasoo qoyskeeda ay sheegayaan inay waayeen 17 March 2024.
Waxay xilligaasi aadday dukaan u dhow hoygooda oo ku yaalla xaafadda Galmudug oo ah inta u dhexeysa Isgoyska Ex-Kontorool Afgooye iyo Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley.
Aaabe Cabdinuur Axmed Warsame oo dhalay Xamdi ayaa Kaab TV u sheegay inuu booliska weydiistay caawimaad laakiin illaa hadda oo ku dhowaad bil laga joogo uusan helin gabdhiisa.
Lama oga meel ay aadday gabdhan yar, sida uu sheegaayo aabeheed.