SO | EN

SO | EN

KISMAAYO: Maxaa fashiliyay wada hadalkii Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe?

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Wada hadalkii u dhexeeyay Madaxweynaha 7da bilood u harsan tahay ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Wada hadalka oo bilawday shalay galab waxaa dhex dhexaadinayay saraakiisha sare ee sirdoonka waddamada Kenya iyo Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka degey Kismaayo ayaa qodobo dhowr ah hordhigay Madaxweynaha Jubaland.

Dhanka Jubaland waxay iyaguna soo bandhigeen shuruudo kuwaas oo sababay in la is mari waayay.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu laabtay Muqdisho.

Cabdullaahi Xuseen Kilas oo ku sugan Kismaayo ayaa arrinkaan uga warramay Abdalle Mumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News