KISMAAYO (Kaab TV) – Jubaland ayaa martigalinaysa shirweyne looga arrinsanaayo mustaqbalka dowladnimada iyo doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgali doonaan qeybaha mucaaradka, dowlad goboleedka Puntland iyo siyaasiyiin kala duwan.
Kaab TV ayaa ogaaday in siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ay sidoo kale diyaarinayaan ajandaha shirka Kismaayo, oo ay gogoshiisu dhigtay Jubaland.
Dowladda Puntland ayaa iyana diyaarisay wafdi culus oo u safri doona Kismaayo ka hor 10ka bisha Disembar oo lagu wado inuu shirka furmo.
Doorashooyinka 2026
Ajandaha ugu weyn ee shirka Kismaayo ayaa noqonaya ku dhawaaqista guddi doorasho oo lagu mideysan yahay oo ay yeelato Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka, haddii looga dhawaaqo Kismaayo, wuxuu noqon doonaa mid ka duwan guddiga doorashooyinka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhisay oo hadda ay diidan yihiin mucaaradka iyo dowlad gobolleedyada qaarkood.
Ilo ku dhow madaxtooyada Jubaland ayaa Kaab TV u sheegay in shirka Kismaayo uu jaangoyn doono jihada siyaasadeed ee Soomaaliya 2026, xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo aad u hareysay habsami u socodka hawlaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan wajahaysa mucaarad aad u weyn.
Shirka Kismaayo kaliya kuma koobna doorashooyinka 2026, ee waxay ilaha noo sheegeen in sidoo kale dib loo fiirin doono hannaanka Dowladda Federaalka iyo awood qeybsiga, waxayna taasi ka dhalatay ka dib markii ay soo bexeen in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda ka taliya Muqdisho uu ku kacay falal lagu bedelaayo Dastuurka KMG ee Federaalka.
Tan iyo sannadkii 2004, Soomaaliya waxaa ka jiray nidaam federaal oo ku saleysan in doorashooyin la qabto afartii sano-ba mar, hase yeeshee siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa tuhun ka qaba in hoggaanka Villa Soomaaliya haatan ka jira uu u xuubsiibtay mid halis ku ah hannaanka federaalka ee ay beelaha Soomaalida wax ku qeybsadaan iyo in dalku ahaado federaal oo deegaan kasta lahaado is-maamulkiisa gaarka ah.
Dhanka, wararka aan ka heleyno Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo doorasho gole deegaan looga hirgalinaayo 16 degmo oo ka mid ah caasimadda oo kaliya.
Doorashadan ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu muransan yahay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku guda jiray labadii sano ee lasoo dhaafay, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay hirgalinta doorasho qof iyo cod inkasta oo aan dhammaan codbixiyaasha dalka la wada diiwaangalinin.

