SO | EN

SO | EN

Kolonyo ciidanka Mareykanka iyo ciidanka Danab oo lagu qarxiyey duleedka Kismaayo

|

Kismaayo (KAAB) – Taliska Milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in saaka kolonyo milatari oo ay la socdaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ay la qaraxday miino waddada dhinaceeda la dhigay.

Shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo xili ay ciidamadu ku jireen howlgal roondo ah.

Qoraal kasoo baxay taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in kolonyadooda lala bartimaameedsaday qarax miino oo la dhigay waddada dhinacdeeda, xilli ay ku socdaaleen agagaarka duleedka magaalada Kismaayo.

AFRICOM waxay sheegtay inaan wax khasaare ah kasoo gaarin qaraxaas ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ah.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab.

Mareykanka ayaa beeniyey wararka sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray qaraxaas, iyagoo ku tilmaamay kuwo been ah oo aan waxba ka jirin.

Mareykanka ayaa waxaa soomaaliya ka jooga boqolaal askari oo dhinaca tababarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ka taageera milateriga Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News