BAYDHABO (Kaab TV) -Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta soo saartay amar lagu joojinayo dhammaan duulimaadyadii rayidka iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee aadayay garoomada diyaaradaha ee deegaannada Koofur Galbeed.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka, Xasan Cali Maxamed (Amardambe), ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha ay soo qaadi karin qof siyaasi ah oo aan heysan ruqsad rasmi ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan loo qaaday si loo xaqiijiyo amiga deegaannadaasi, iyadoo laga hortagayo khatar dibadda ah.
Waxaa kaliya la ogolaaday duulimaadyada Howlwadeennada Qaramada Midoobay, Hawlgalka AUSSOM iyo dadka ka shaqeynaya howlaha binu aadanimada.
Go’aanka ayaa ku soo aadaya xilli warar soo baxaya ay sheegayeen in qaar kamid ah Siyaasiyiinya Mucaaradka Koofur Galbeed iyo madax kale in ay ku wajahnaayeen magaalada Baydhabo.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa sii xumaaday, ka dib markii dhinaca Koofur Galbeed tilmaameen in lagu hayo faragalin iyo abaabulka ciidamo mucaadad ah.

