MUQDISHO (Kaab TV) – Xiisaddu waxay u muuqataa mid sii kordheysa, iyadoo la xiriirta loollan ku saabsan awoodda siyaasadeed, maamulka, iyo jihada guud ee nidaamka federaalka Soomaaliya.
Arrinta ugu dambeysa waa khilaaf cusub oo u dhexeeya Muqdisho iyo Maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.
Iskahorimaadyadii dhimashada sababay ee dhowaan ka dhacay Baydhabo ayaa lala xiriirinayaa khilaafkan cusub.
Magaalada Buurhakaba, wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad la abaabulayo, iyadoo xiisaddu ka dhex aloosan tahay maamulka degmada iyo Baydhabo ay sii xoogeysaneyso.
Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in arrintan si toos ah ay u saameynayaan siyaasiyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo taageersan Muqdisho.
Shalay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Baydhabo ku soo bandhigay cutub cusub oo ka tirsan Booliska Gaarka ah oo tababar ku jira.
Qaar ayaa u arka tallaabadan mid loogu diyaar garoobayo isku dhac cusub, iyadoo ciidamada Koonfur Galbeed ay weli baadi-goobayaan haraadiga maleeshiyaadkii taageersanaa Muqdisho ee lagu jebiyay dagaalladii dhacay horraantii bishan.
Dadweynaha oo Kaab TV weydiiyay aragtidooda ayaa muujinaya aragtiyo kala duwan oo kulul, halka shacabka caadiga ah ay isweydiinayaan waxa khilaafkan uga dhigan yahay xasilloonida, amniga, iyo mustaqbalka dalka.
Dadka qaar ayaa sheegaya in dhibaatada ay tahay muddada dheer ee uu Madaxweyne Laftagareen xilka joogo iyadoo ay dhaaftay waqtigii la qaban lahaa doorashada maamulkaas, halka dadka qaar kalana ay eedeyn u jeedinayaan Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo faragalin ku haaya dhammaanba dowlad gobolleedyada dalka.

