Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa soo baxay xogo dheeraad ah oo ku saabsan tababarkii tuhunka dhaliyay ee ay kaniisad iyo hay’ad Finland ah ku qabteen iskuullo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Warka laga helayo ilo ku dhow iskuulka ayaa sheegaya in maamulka iskuulka looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira tuhun laga qaaday tababar ay kaniisadda Finland (FCA) iyo hay’ad Finland ka socota ka fuliyeen iskuulkaas.
Kaab TV oo dhankiisa xograadin saxaafadeed oo tababarkan iyo dadka Soomaalida ah ee ku lugta leh sameeyay ayaa helay in mid kamid ah labada shakhsi ee tababarka ka bixiyay iskuulka kaas oo ka socda hay’adda Vikes-Finland.
Warka la helay helay ayaa sheegaya in shakhsigan Soomaaligan ah oo lagu magacaabo Wali Haashi uu muddo xiriir la lahaa qaybaha kala duwan ee kaniisadaha Finland isagoo xiriiriye ka noqday munaasabado ay kaniisaddu ku qabatay dalkaas Finland. Halkan ka eeg jadwalka kaniisadda.
”Waa nin dalkan laga yaqaan oo aan la dhuuman xiriirka uu la leeyahay kaniisadda. Waxaa kale oo uu marmar barnaamijyo ka soo daayaa telefishinka dowladda Finland. Inta badan barnaamijyada uu soo daayo ayaa ah kuwa lagu ceebeeyo guud ahaan dadka ajnabiga ah gaar ahaan Soomaalida Finland ku dhaqan,” Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay shakhsi ka mid dadka deggan Finland asal ahaanna ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay wada shaqeeyeen Mr. Wali.
Shakhsigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Jaaliyadda reer Koonfur Galbeed ee Finland ay gudbiyeen caddeymo ay la wadaageen maamulka Koonfur Galbeed sy ugu darsadaan baaritaanka Wasaaradda Diintu ku waddo Baydhabo ee la xiriira gaaleysiinta ardayda iskuullada Baydhabo.
”Waxba igama khuseeyaan ninkan Wali Xaashi la dhaho. Dadkayga iyo dowladdayd Koonfur Galbeed waxaan kula talinaa in ay ninkaas iyo waxa uu wado ka fogaadaan dadkana uga digaan. Waxaan wasaaradda diinta Koonfur Galbeed u diray caddaymaha xiriirka kaniisadda iyo ninkaan ka dhexeeya,” ayuu hadalkiisa ku daray mid ka mid ah jaaliyadda oo la hadlay Kaab TV.
Shakhsigan oo aan sababo amni dartood u isticmaali karin magaciisa rasmiga ah ayaa sidoo kale sheegaya in caddaymaha uu Wasaaradda Diinta ee Koonfur Galbeed u diray ay ku jiraan Wali Xaashi oo ka qaybgelaya munaasabad cibaadaysi ah oo kaniisad dhexdeeda ka dhacaysa iyo meel aroos ah oo isaga iyo ninka kale Soomaali ah ay ay ku sida masiixiyiinta oo kale ugu dhaqmayaan.
Waalidiinta ardayda Baydhabo
War kale oo laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in guddi ka socda waalidiinta ardayda iskuulkan ay qoraal cabasho iyo ashtako isugu jira ka gudbiyeen maamulka iskuulka ee kaniisad iyo dad ka socda u fududeeyay in ay carruurta siiyaan wax lagu sheegay tababarka nabadda balse ay wax kale taas ku dhex qarsan yihiin. Qoraalka ayeey sidoo kale waalidiintu ku muujiyeen welwelka ay ka qabaan saamaynta ay arrintan ku yeelan karto ammaanka iyo mustaqbalka carruurtooda.
Aabe Daauud Cali oo waalidiinta ardayda iskuulka ka tirsan ayaa sheegayt in carruurtooda ay markii hore kala baqayeen argagixisada diinta ku dhuumanaysa laakiin ay hadda la soo deristay cabsi kale oo ka dhalatay saamaynta ay kaniisaddu ku yeelan karto carruurtooda.
”Waxaan sugaynaa jawaabta ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Koonfur Galbeed ka bixiso arrintaan aan waalid ahaan ka welwesannahay,” Aabe Daauud Cali.
Si kastaba ahaatee, FCA oo ah hay’ad dhinaca gargaarka u qaabilsan kaniisadda Finland iyo hay’adda kale ee VIKES-Finland ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin welwelka iyo tabooshinka ay waalidiinta ardayda iskuulka Baydhabo ku yaal ka qabaan tababarka ay halkaas sida wadajirka ah uga fuliyeen.