BAYDHABO (KAAB TV) -Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Sabiid iyo Canoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay jab xoogan ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo degaanadaasi ka waday dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Yuusuf oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in si guul ah uu kusoo dhamaaday howlgalka ay ku qaadeen goobo ay isku uruursadaan Al shabaab ayna kasoo abaabuulaan weerarada oo kutaala Sabiid iyo Canoole.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in tobaneeyo Al shabaab ay howlgalkaasi ku dileen sidoo kalana ay ku raad joogaan kuwa kale oo dhaq dhaqaaqayo kawada miyiga Sabiid iyo Caanoole.
Waxa uu xusay in Koonfur Galbeed aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ilaa lagaga ciribtiro degaanada ay ka joogaan Koonfurta Soomaaliya.
Ugu dambeeyntii waxa wasiirka xusay in looga baahan yahay shacabka degaanada Koonfur Galbeed kunool inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si deganadaasi ay u noqdaan goobo ka nabdoon dhibaatada ay Al-shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Sabiid iyo Canoole oo soo gaaray ilaa xalay, waxaana labada dhinacba ay qireen in jab xoogan lagu gaarsiiyay Kooxda Al-shabaab.