BAYDHABO (Kaab TV) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faragalin ku hayso deegaanadeeda, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay mas’uuliyiinta federaalka Soomaaliya inay hub iyo dharkii ciidamada ku qalabeeyeen kooxoo maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi, aya ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hubeyneyso kooxo maleeshiyaad ah oo ay rumeysan yihiin inay katirsan yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab.
“Koonfur Galbeed Soomaaliya marka wada xaajood badan la gashay in badan Dowladda Federaalka Soomaaliya; markay in la badan la hadashay kor iyo hoosba, waxaa u soo baxday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duullaan qaawan oo ah sidii loo burburin lahaa Dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wiiqida midnimadda dadka Koonfur Galbeed ay ku soo qaaday,” ayuu yiri afhayeen Ugaas Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo.
Afhayeenka wuxuu sheegay in maleeshiyaad badan oo hub iyo dharka ciidanka lasoo siiyay lagu soo daadgureeyay deegaanada Koonfur Galbeed isaga oo uu ku eedeeyay in Dowladda Federaalka ay ka danbeyso.
“Markaan aragnay dhacdooyinkii u danbeeyay ee hubeynta maleeshiyaad aan la ogeyn waxay yihiin, markaan dhinac ka eegnay u eg in Al-Shabaab cusub lagu beeraayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Markaan aragnay in hubkii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qalabeynaayo maleeshiyaad muuqaal ahaanna Al-Shabaab u eg, markaan aragnay lebiskii ciidamada Soomaaliyeed caanka ku ahaayeen lasoo daabulaayo, laguna qalabeynaayo maleeshiyaad midab ahaan Al-Shabaab u eg , waxay Dowladda Koonfur Galbeed si toos ah xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Muddooyinkan waxaa taagnaa khilaaf xooggan oo u dhexeeyay xukuumadda Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, kaasoo salka ku haya isku dayga qabashada doorashooyin lagu muransan yahay, kaas oo maamulka Koonfur Galbeed uu doonaayo inuu doorashdiisa si madax-bannaan u qabsado.
Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii saddexaad ee ka tirsan habka federaalka ee xiriirka u jara Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.
Horey waxaa Muqdisho xiriirka uga goostay maamullada Puntland iyo Jubaland sabab la xiriirta beddelidda dastuurka federaalka iyo qabashada doorashooyin aan lagu heshiin taasoo ay maamullada ku eedeyeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya inay dooneyso waqti kordhin.
Rabshado dhiig ku daatay ayaa ka qarxay magaalada Baydhabo horraantii bishii Febraayo ee sannadkaan ka dib markii kooxo maleeshiyaad ah oo sida la sheegay taageero ka helaya siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay la dagaalameen ciidamada amaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisadan ahaa sababay in magaalooyinka Buurhakaba iyo Qansax Dheere ay u gacangalaan kooxo maleeshiyaad ah oo ka horjeeda maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa galabta gaaray magaalada Baydhabo, inkastoo ay jirtay xanibaad dhinaca hawada ah oo ay saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Saaka hore, dhammaan duulimaadyadii rakaabka ee ka bixi jiray Muqdisho kuna wajahnaa Baydhabo ayaa la hakiyay.
Wararka ayaa sheegaya in DFS ay isku dayday inay ka hortagto soo laabashada Madaxweyne Lafta-gareen ee Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku gudanayay Cumro. Si kastaba, ilo ku sugan Baydhabo ayaa noo sheegay in madaxweynuhu uu ka soo galay dhanka xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo maray magaalo xuduudeed.
Xitaa gudaha Baydhabo, soo laabashadiisa hore looma sii shaacin.

