SO | EN

SO | EN

Koox Burcad ah oo weerar ku qaaday dad salaad kujiray qaar kalan guryo ku gubay

|

Nigeria (KAAB TV) – Warbaahinta dalka Nageria, ayaa baahisay dhacdooyin murugo leh oo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, halkaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah ay ku jiraan carruur iyo haween aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Koox burcad hubeysan, ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen  deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi, waxa ayna halkaasi ku laayeen dad badan oo shacab ah, halka dad kale oo badan ay ku jiraan haween nolosha ku wateen.

Dhanka kale, dadka la dilay oo gaaraya 28 qof, ayaa la sheegay in qaar kamid ah xilliga la dilayay in ay masaajid salaad ku dukanayeen, dad kale ayaa iyana la sheegay in guryaha loogu galay qaarkoodna iyaga oo guryaha ku dhax jira dab la qabadsiiyay.

“Waxaan ku jirnay salaaddii subax markii ay rasaas nagu fureen koox hubeysan oo nasoo weerartay. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay, Guriga ayey ku garaaceen aabbahey, qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen.” ayuu yiri nin aabihiis la dilay isaga oo ilmada ka socoto.

Sikastaba, boliiska dalka Nageria gaar ahaan kuwa gobolka Katsina, ayaa xaqiijiyay jritaanka weerarkan dadka badan lagu dilay, waxa ayna sheegeen booliiska in ay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda burcada ah ee weerarkan lagu tuhmayo in ay geesteen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News