SO | EN

SO | EN

Koox ku hanjabtay in Gantaal ay ku dhufan doonto Ethiopian Airlines.

|

Adis Ababa (KAAB ) –Gobolo badan oo Itoobiya ah waxaa ka socda dagaalo xoogaan oo qaarkood loogu soo horjeedo xukuumadda Ra’iisulwasare Abiy Ahmed.

War ka soo baxay Jabhada Amxaarada ayaa  lagu sheegay in digniin ay u dirayaan shirkadaha diyaaradaha dalkaas kuwaas oo hubka ka daabulaya gobolada qaar kuwaas oo xiriir la leh xukuumadda  Abiy Ahmed.

Waxaa lagu sheegay warka in  Fano ay diginin u dirayso hay’adda duulista Itoobiya oo ku saabsan diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ciidanka ku soo daabuleysa gudaha gobolka Amxaaradda,

Fano waxa ay sheegatay in ay qabsadeen gantaalo lidka diyaaradaha ah oo awood u leh in ay damiyaan ama joojiyaan hawlaha diyaaradaha ganacsi ee shirkadaas, waxana ay xuseen in ay haystaan gantaalo gaaraya 40’000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sameysay khadkeeda duulimadyada ee hawadaha gudaha dalkaas sababa la xiriira khatartan.

Kacdoonka kooxda Fano ee gobolka Amhara haatan waa mid ka mid ah khataraha amni ee ugu waaweyn ee saameynta ku leh Itoobiya.

Fano, oo ah maleeshiyo ku sugan deegaannada ku hareereysan gobolka Amhara, ayaa la dagaallameysay ciidamada Itoobiya tan iyo markii lagu amray inay hubka dhigaan.

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News