Khartuum (KAAB TV) – Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Cali Yuusuf Axmed ayaa magaalada Qaahira ka sheegay in dagaalka daba-dheeraaday ee Suudaan uu ku dhowyahay heer gabagabo ah, isagoo sabab uga dhigay guulo la taaban karo oo militeriga ay ka gaareen kooxda RSF, ee ku sugan caasimadda Khartuum.
Sidoo kale, Ciidanka militariga Suudaan, ayaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday, waxay ku dhowyihiin inay si dhammeystiran u maamullan magaalada Khartuum iyo isgosyada ay ku jiraan buundooyin la isaga gudbo gobollada Suudaan ee istaraatijiga ah, markii u horreysay ayaanna la arkaya RSF oo isaga baxaysa saldhigyada ay ku soo duullaan ciidanka militariga.
Dhanka kale, arrintan ayaana ka dhigan inay badan tahay suragalnimada inay militariga Suudaan soo gabagabeeyaan gacan ku heynta Suudaan, oo toddobaadkii hore laga maqlay taliyaha guud ee Suudaan, Cabdifatax Burhaani inay soo dhisayaan xukuumad rayid ah, tallaabo lagu muujinayay guusha ay dagaalka ka gaareen militariga.
Kooxda RSF, waxay ku dhawaad dhexda uga jirtaa inay la kullanto burburkii ugu xooggana oo dhalin kara in joogitaankooda laga waayo Suudaan oo xataa gobolka ay ka yimaadeen ee Darfuur uu ku jiro, halkaa oo ay hadda u muuqdaan inay dib ugu laabanayaan, si loo caddeeyo.
Kooxda RSF ayaa waxa ay haatan wajaheysaa xaalad dhaqaale burbur, ma jirto qori kasta oo rasaastu ka dhammaato cid dib u cabeyn karta, kaddib markii kooxdan ay luntay taageerrada ay heli jireen, waxaa kalo lumay xiriirka isgaarsiinta ee kooxdan, tan oo aan jirin wax sharraxad ah oo la helay waxayna saraakiisha kooxdan u sarreysay go’aansadeen inay qaarkood is dhiibaan, kuwa kalena deegaannadii ay ka soo jeedeen ee Darfuur dib ugu laabtaan.
Sikastaba, dhibaatada ayaa ka dhalatay, markii ay qarsoomeen hoggaamiyihii ugu sarreeyay RSF, Maxamed Xamdan Dagalo iyo xubnihii xiriirka caalamiga ah kooxdan u qaabilsanaa, ma jirto cid si cad u xaqiijisay xaaladda uu ku suganyahay Dagalo oo ay badan tahay suragalnimada inuu isaga baxay Suudaan, isagoo aan wax wargelin ah siin saraakiisha militari ee RSF, waxaan sidoo kale loo helin sharraxaad dheeri ah.