Muqdisho (KAAB TV) – Kooxda Daacish, ayaa weerar qaraxyo ku bilowday maalintii Talaadada ku qaaday saldhig ay lahaayeen ciidanka difaaca Puntland, waxaana goobta weerarka ka dhacay lagu dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday oo gaarayay 12- xubnood oo ajaaniib ah.
Sidoo kale, War kasoo baxay kooxda Daacish ayey ku sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay gobola Bari ee Puntland, waxa ayna Daacish sheegtay in weerarka fuliyeen xubno iyaga katirsanaa ayna weerarka ku dileen in ka badan 20-askari oo katirsanaa ciidamada Puntland.
Dhanka kale, Ciidamada amniga maamulka Puntland, ayaana sheegay in ay ka hortgaeen ayna fashiliyeen weerarkii ay soo qaadeen kooxda Daacish, saraakiisha ciidamada Puntland ayna sheegay in ay dileen xubnihii weerarka soo qaaday oo ajaaniib ahaa kuwa kalana ay is qarxiyeen.
Daacish oo baahisay sawirada iyo magacyada kooxdii weerarka fulisay ayaa sheegay in dhammaan ahaayeen ajaaniib kasoo kala jeeday dalalka Sacuudiga Carabiya, Tanzaaniya, Morocco, Liibiya, Yemen, Tunusia iyo dalka Itoobiya.
Sikastaba, Weerarkan ay soo qaadeen xubnahan ajaaniinbta ah ee katirsan kooxda Daacish, ayaana kusoo aadaya xilli ciidamada ammaanka Puntland isku diyaarinayaan howlgal balaaran ay doonayaan in ay kusoo afjaraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.