BOOSAASO (KAAB TV) – Kooxda Daacish, ayaa saakay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo mid toos ah ku qaaday, saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Dharjaale oo katirsan gobolka Bari.
Sidoo kale, weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay saldhigga ay lahaayeen ciidamada Puntland, waxaana qaraxa kaddib goobta weerar toos ah kusoo qaaday koox hubeysan oo Daacish katirsan.
Dagaal toos ah ayaa fariisinka la weeraray ku dhax maray ciidamada difaaca Puntland iyo kooxdii hubeysneed, waxaana goobtaasi lagu dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Dacaish ay ku jiraan rag ajaaniib ah, kuwaa oo Puntland soo bandhigtay meydadkooda.
Dhanka kale, Ciidamada Puntland, ayaa wararku sheegayaan in wali baadigoob ugu jiraan xubno kale oo katirsanaa kooxda weerarka soo qaaday oo la sheegay in ay baxsadeen, waxaana socda howlgal balaaran ay wadaan ciidamada Puntland.
Weerarka lagu qaaday fariisinka ciidaanka Puntland ka sameesteen deegaanka Dharjaale ayaa sababay khasaaro badan oo dhimasho ah oo iyana soo gaaray ciidamada difaaca Puntland iyo dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta weerarka ka dhacay.
Sikastaba, Ciidamada difaaca Puntland ee saakay weerarka lagu qaaday, ayaa ku jiray diyaargarowgii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in dhulka buuraha ah looga safeeyo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, kuwaa oo muddooyinkan lasoo daristay cabsi ay ka qabaan duullaankan la qorsheeyay.