Darfur (KAAB TV) – Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay hay’ad gargaar oo halkaasi ka shaqeysa.
Sidoo kale, qolka jawaabta deg-degga ah ee Abu Shouk ayaa sheegay in weerarka Isniintii ay fuliyeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), guddiga iska caabinta ee magaalada ee u dhaw El-Fasher oo ka kooban muwaadiniin maxalliga ah iyo hawl-wadeenno, ayaa sidoo kale soo weriyay arintan.
El-Fasher, oo lagu soo qaaday weerar xooggan, waa saldhigii ugu dambeeyay ee Darfur ee ciidamada iyo xulafadooda, kuwaas oo dagaal kula jiray jabhadda RSF dagaalka sokeeye ee socday mudada labadii sano ahayd ee la soo dhaafay.
Colaadda ayaa kicisay masiibo bini’aadantinimo iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in qoysaska ku go’doonsan magaalada ay soo food saartay gaajo.
Warbaahinta Sudan ayaa soo werinysa in xeradaasi uu soo gaaray dagaalka ka socda El-Fasher.
Laakiin kooxda gargaarka ee gudaha Abu Shouk, oo ay ku nool yihiin ugu yaraan 200,000 oo qof ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii lagu dilay weerarka lagu toogtay guryahooda halka kuwa kalena lagu toogtay meel fagaare ah.
Sikastaba, hay’ad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo falanqeysay muuqaalada dayax gacmeedka iyo sawiarada kale ayaa sheegtay in xaafadaha waqooyi-galbeed ee xerada ay ku sugan yihiin kooxo badan oo gaaraya 40 baabuur, kuwaasoo u muuqda inay xaqiijinayaan wararka sheegaya in weerarka uu ka yimid dhanka waqooyi.

