SO | EN

SO | EN

Kooxda TPLF oo la wareegtay Raadiyaha iyo TV-ga ku hadlay afka maamulka

|

Tigray (KAAB TV) – Ciidanka TPLF ee ka soo horjeeda maamulka Abiy Ahmed ayaa la wareegay Raadiyaha iyo TV-ga ku hadla afka maamulka, Saraakiil u hadashay ayaa sheegay in ay ka baxayaan heshiiskii TPLF iyo xukumada u dhexeeyay.

Sidoo kale, xiisado xooggan ayaa ka dhex aloolsan kooxaha iska soo horjeeda ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray, xilli Faransiisku uga digay muwaadiniintiisa inay halkaas u safraan.

Dhanka kale, Tigray waxa uu ahaa goobta mid ka mid ah dagaalladii ugu burburka badnaa qarnigan, kaasoo socday intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022, waxaana lagu qiyaasay in uu galaaftay nolasha illaa 600,000 oo qof.

Dagaalkaas waxa uu ka dhex dhacay ciidamada maxalliga ah iyo dowladda federaalka Itoobiya oo ay garab siiyeen maleeshiyaad xulufo la ah iyo sidoo kale ciidanka dalka deriska la ah ee Eritrea.

Inkasta oo heshiis nabadeed la gaaray bishii November 2022, haddana gobolka weli ma helin xasillooni, waxaana sii xoogeystay khilaafaadka u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda bilihii la soo dhaafay.

Dowladda federaalka ayaa Getachew Reda, oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo ka soo jeeda Tigray, u magacowday in uu hoggaamiyo maamul ku-meel-gaar ah, balse waxa uu wajahey loollan uga imanaya xulafadiisii hore, gaar ahaan hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), Debretsion Gebremichael.

Sikastaba, talaadadii ayey ciidamo daacad u ah Debretsion  la wareegeen gacan ku haynta magaalada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Tigray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News