SO | EN

SO | EN

Kooxo burcad ah ayaa xalay dalka koonfur Africa kudilay wiil iyo Abtigiis

|

Cape Town (KAAB TV) – Magaalada  Rusterburg ee dalka Koonfur Africa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xalay kooxo burcad ah weerar kuqaadeen ganacsato Soomaaliyeed oo dukaan kulahaa halkaasi.

Sidoo kale, burcadan ayaa lagu soo waramayaa in dukaanka ey gudaha ugaleen kadibna ey rasaas kufureen waxa eyna goobta ey kudileen labo wiil oo ganacsato Somaaliyeed ahaa.

Dhanka kale, labadan nin ee ladilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abdirahim Hassan Ali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim kuwaas oo ahaa wiil iyo abtigiis weerarkaas waxaa ka badbaaday labo qof oo kale oo Soomaali ahaa oo dukaanka joogay.

Burcada dilka geesatay ayaa la sheegay in goobta ka geesteen dhac, ciidamada booliiska ayaana daqiiqado badan kaddib soo gaaray dukaanka la weeraray, waxa ayna sheegeen in ay baarayaan falkan soona qaban doonaan burcada .

Dalka Koonfur Afrika ayaa noqotay kawaan lagu laayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsatay, mana jiro cid isweediisa dilalka arxanka daran ee muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geesto dalkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News