Galgaduud (Kaab TV) -Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen waqooyiga gobolka Galgaduud.
Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd oo ka Tirsan degaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaaa waxa ka dhashay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka weerarka geysatay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa degaankaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka.
Maleeshiyada k dambeeysay Weerarka ayaa la soo sheegaya inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan taagan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.
Haasayeeshee ma jiro war ka soo baxay Hay’addaha Amniga Galmudug ee looga hadlay dhacdadaas.