SO | EN

SO | EN

Kooxo hubeysan ooaan heybtooda la garan oo toogasho ku dhaawacay Aabe iyo wiil uu dhalay.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay xalay ka fuliyeen degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu beegsaday dad shacab ah.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Iga-dabagey oo ka tirsan degmada Garasbaaley, waxaana la sheegay in bartilmaameedku uu ahaa dukaan halkaasi ku yaalla, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Burcadda ayaa gudaha u galay dukaan, waxayna halkaasi ka geysteen dhac xooggan, iyagoo dhaawacay wiil iyo Aabihii oo xilligaas dukaanka ku sugnaa.

Dhaawaca wiil iyo Aabihii ayaa hadda lagu daweynayaa mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo ehelada dadkii la dhaawacay ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno, iyadoo labo ruux ay ku dhaawacmeen, hantidoodana la dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxihii falkaasi foosha xun geystay ay goobta isaga baxsadeen, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi.

Weerarkan ayaa la mid ah midka lagu qaado Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo inta badan ay dhac iyo dil u geystaan ​​kooxo burcad ah oo dalkaasi ku sugan.

In la beegsado goobaha ganacsiga ayaa ah arrin ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana warbixintan ay argagax ku beertay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadka reer Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe laga dareemayay horumarro la taaban karo oo dhinaca ammaanka ah, gaar ahaan koontaroollada laga soo galo magaalada oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News