Baydhabo(Kaab TV) -Labadii maalmood ee la soo dhaafay, korontada magaalada Baydhabo ayaa gabi ahaanba hawada ka maqneyd, arrintaas oo jahwareer iyo dhibaato ba’an ku abuurtay guud ahaan bulshada ku nool magaalada Magaalada Baydhabo . Go’aankaas lama socon wax wargelin ama faahfaahin rasmi ah, taasoo sii kordhisay walaaca shacabka ku nool Baydhabo.
Magaalada Baydhabo waxaa hadda ka howlgala hal shirkad oo kaliya oo bixisa adeegga korontada, taasoo ah Shirkadda BECO. Ma jirto shirkad kale oo loo oggolaaday inay koronto geliso magaalada, arrintaas oo keentay in BECO ay noqoto shirkad kali-talis ah (monopoly). Taasi waxay sababtay in shirkaddu aysan si dhab ah uga jawaabin cabashooyinka iyo baahiyaha macaamiisheeda.
Shacabka Baydhabo waxay muujinayaan cabasho joogto ah oo ku aaddan tayada adeegga, joogteynta korontada, iyo la’aanta tartan furan oo ganacsi. Dadku waxay aaminsan yihiin in haddii la furo suuqa, lana oggolaado shirkado kale inay adeegga korontada bixiyaan, ay jiri doonto tartan horseeda adeeg tayo leh, qiimo macquul ah, iyo mas’uuliyad dheeraad ah oo laga rabo shirkadaha.
Bulshada Baydhabo Ayaa waxaa dalbadeed in la helo nidaam caddaalad ah oo oggolaanaya ganacsi furan, si loo xaqiijiyo in adeegyada aasaasiga ah sida korontada loo helo si joogto ah, laguna qanacsan yahay tayadooda.

