SO | EN

SO | EN

Ku dhawaad 2 malyan o xujey muslimiin ah ayaa sanadkaan gudanaaya waajibaadka xajka sanadkaan

|

SACUUDIGA (KAAB TV) -Ku dhawaad laba Milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid aduunka oo dhan ayaa maanta isugu tagay Buurta Carafo si ay halkaas ugu gutaan mid ka mid tiirarka ugu waa weyn Xajka.

Xujaayda ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dhaqaaqday deegaanka Mina oo 10 KM u jira Buurta Carafo oo ku taala inta u dhaxeysa magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Taa’if.

Xujeydu waxay taagnaan doonaan Banka Carafo laga bilaabo salaada Duhur ilaa qorax dhaca maanta, halkaas oo ay Alle ku baryayaan uguna ducaysanayaan si dareen leh, maadama Culimadu maalintaan Carafo ku tilmaameen in si gaar ah loo rajeeyo dembi dhaaf iyo toobad keen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News