MUQDISHO (KAAB TV) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Goob ay ku sugnayeen ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa maleeshiyaadka A- Shabaab waxa ay ka fuliyeen weerar khasaare gaystay.
Waxaa la sheegay in laba askari halkaas ay ku dhinteen halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ku dhufoo ka dhaqaaqa ah , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda , Federaalka Soomaaliya kuwaas oo goobta howlgal ka fuliyay.
Xaaladda goobta ay ku suganayeen ciidanka Dowladda ee weerarka uu ka dhacay ayaa degan , waxaana ku sugan ciidanka Dowladda.
Laamaha ammaanka gobolka Banaadir ayaan dhankooda faahfaahin ka bixin weerarka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana saakay ciidamada howlgalo ka wadaan aagga dagaalku ka dhacay.
Weerarada gaadmada ah iyo qaraxyada ayaa ku soo badanaya caasimadda iyadoo weeraradaasi ay geysanayaan khasaare mararka qaarkood soo gaara dadka rayidka ah.
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adeheeda amniga ayaa ku guuleysan la’ xakameynta weerarada Al-Shabaab ee gudaha Muqdisho, xilli uu dhanka kale sii kordhayo tuhunka ku saabsan in qaar ka mid ah weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan xeryaha ciidamada oo uu ugu danbeeyay weerarkii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ay fududeeyaan saraakiisha hay’adda NISA.