MOGADISHU (KAAB TV) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray saldhigga degmada Wartanabada, halkaas oo shalay ay is-rasaaseyn ku dhexmartay ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo xubno mucaarad ah.
Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay dhacdada mid laga xumaado, isaga oo ku baaqay in cidda masuul ka ah falkii shalay dhacay ay qaadato mas’uuliyadda.
Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii ka dhacday suuqa Siinaay, halkaas oo ciidamo boolis ah lagu eedeeyay inay jirdil u geysteen dad rayid ah.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ugu baaqay inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda, si looga hortago falal carqaladeeya xasilloonida iyo amniga bulshada.
Ku simaha Madaxweynaha JFS ayaa isagoo ka hadlaya xaaladda saldhigga Wartanabada yiri “Xabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay.”
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara hurin colaadeed “Waxaan ka digayaa abaabulka socda iyo in shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda, waan ka xumahay taasi”

